Ololaha wacyi galinta caabuqa covid-19 ee dugsiyada sare ee magaalada boorama
Wajigii Koowaad:
Dugsiga Sare ee Al-Nuur
Al-Nour Secondary School
Kuliyadda caafimaadka guud ee Jaamacadda Eelo (Faculty of Public Health)
Sida aan wada ognahay waxa dib u soo laba kacleeyey caabuqa xanuunka safmarka ah ee Covid-19,kaasi oo farobaas ku haya aduunka gaar ahaan wadankeena.
Hadaba iyada oo laga duulayo khatartaasi caafimaad ee uu leeyahay xanuunkani, maamulka sare ee jaamacada Eelo oo kaashanaya kuliyada caafimaadka guud (Faculty of Public Health) ayaa qaaday olole looga wacyigalinayo khatarta xanuunka taasi oo laga fulinayo qaar ka mid ah dugsiyadda sare ee magaalada Boorama.
Waxyaabaha kala duwan ee ardayda dugsiyadda sare la barayay ama lagu wacyigalinayey waxa ka mid ahaa:
1.Hordhac ku saabsan waxa uu xanuunkani yahay.
2. Filiqsanaanta xanuunkan ee dunida.
3. Qaababka uu xanuunkani u faafi karo.
4.Calaamadaha lagu garto xanuunkani ee uu leeyahay.
5.Noocyada dadka khatarta ugu jirta ama u nugul xanuunkan.
6. Sida ugu haboon ee xanuunkan looga hortago loona xakamayn karo.
7. Xogtii ugu dambaysay ee ay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland si maalinle ah u soo saarto.
8. Talooyinka ay Haayada Caafimaadka Aduunku (WHO) soo saartay.
Ugu danbayn waxa ardayda la baray sida saxda ee loo sameeyo faroxalka ee ay dajisay haayada caafimaadka aduunku (WHO).